Kulan ay isugu yimaadeen wasiirada maamulka Khaatumo State uuna shir guddoominayey Madaxweynaha maamulkaasi Cali Khaliif Galeyr ayaa waxay kaga soo horjeesteen heshiiskii magaalada Garoowe ku kala saxiixdeen dowladda Federaalka iyo maamulka Puntland.
Waxay sheegeen in Puntland aanay matalin maamulkooda, islamarkaana xilli hore ay wax kala baxsadeen, wixii lagula heshiiyayna aanay ahayn wax ay la socoto ama raali ka tahay Khaatumo.
“Dadka deggan Gobollada Sool iyo Sanaag raali kama ahan heshiiska ka dhacay Garoowe, annaga xilli hore ayaan kala baxnay oo aynu sameysannay maamulka Khaato, dhaqan ahaan iyo siyaasad ahaan” mid ka mid ah wasiirada Khaatumo ayaa hadalkaasi sheegay.




From the comments