Afhayeenka AMISOM Lt Col Joe Kibet oo Goobjoog News la hadlay ayaa beeniyay in ay AMISOM ka baxday Aden Yabaale, isagoo intaa raaciyay in jimcihii ay qabsadeen magaalada welina ay heystaan.
“Magaalada inaga ayaa heysano, ciidamadeena waxaa ay ku sugan yihiin dibadda magaalada si aan shacabka loogu soo dhex dhuuman” sidaa waxaa sheegay Lt Col Joe Kibet.
Kibet waxaa uu sidoo kale sheegay in ay jiraan khasaare ka dhashay dagaalkii labada dhinac balse ma aanu sheegin qaabka iyo tirada rasmiga ah ee dhinacyada soo kala gaaray.




From the comments