Furintaanka Kalfadhiga 8-aad Ee Baarlamaaka Federaalka Oo Dib u Dhac Ku Yimid
Sheeko:War

Furitaanka kalfadhiga 8aad ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta dib u dhac ku yimid, ka dib markii uu soo xaadiri waayay madaxweyne Xasan sheikh oo lagu waday inuu khudbad ka jeediyo furitaanka kalfadhiga baarlamaanka.
Madaxweynaha ayaa ku mashquulsanaa shirka madasha wadatashiga qaran oo maanta ka furmay magaalada Muqdisho, iyadoo madaxda maamul goboleedyada dalku ay ku sugan yihiin magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha baarlamaanka federaalka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa xubnaha baarlamaanka ka hor sheegay in kalfadhiga u baaqday madaxweyne Xasan Sheekh oo ku mashquulsanaa shir qaran.
Si kastaba furitaanka kalfadhiga 8aad ee baarlamaanka federaalka ayaa loo ballamay maalinta barri ah 9 subanxnimo.
Goobjoog News