Xiriirka Diblumaasiyadeed ee dowladaha Masar iyo Talyaaniga ayaa maalmihii ugu dambeeyay aad u sii xumaanayay, ka dib dilkii cilmi baarihii Talyaaniga ee Giulio Regeni, kaas oo meydkiisa oo jirdil xoogani ka muuqdo laga helay caasimadda Dalka Masar ee Qaahira.
Talyaaniga ayaa safiirkiisa dalka Masar dib ugu wacay qaab ay ku tilmaameen la tashi, ka dib laba maalmood oo wadahadal ah una dhaxeeyay Masar iyo Talyaaniga oo ku soo dhamaaday is faham darro, markii wafdigii Masar uu ku guul darreystay qancinta dhigooda dalka Talyaaniga, wafdiga Masar ayaa waxa uu Talyaaniga hor dhigay natiijada baaritaanadii lagu sameeyay dilka Rejeni oo ka koobnaa illaa 2kun oo warqadood, laakiin Sharaxaadda ay Masar ka bixisay dilka waxashnimada ah ee Regeni uu ku dhintay gacanta koox burcad ah aaney qancin dhinaca Taliyaaniga
Talyaaniga ayaa ku adkeysanaya in ay Masar u gacan galiso, wadahadalkii Teleefoonada Regeni iyo dadka deriskiisa ahaa, laga soo bilaabo waqtigii la afduubay iyo sawiradii ugu dambeeyay ee kaamirooyinka qarsoon ee xarun tarreenada laga raaco, halkaas oo ahayd meeshii ugu danbeysay ee Regeni oo nool lagu arko, codsiga Talyaaniga ayaa ah mid aad ugu adag dalka Masar, maadaama aanuu sharcigu ogoleyn in la dhageysto teleefoonada shacabka, isla markaana uu gaari karo 2milyan oo wadahadal Telefoon ah.




From the comments