Maraykanka Oo Sheegtay Duqeyntii Jubada Hoose

Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in diyaaradaheeda aan duuliyaha lahayn ay duqeyn ka geysteen deegaanno ka mid ah gobolka Jubada Hoose, islamarkaana ay bartilmaameedsadeen dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab.
Afhayeen u hadlay wasaaradda difaaca Maraykanka ayaa sheegay in duqeymahan ay la bartilmaameesanayeen ciidan iyo saraakiil ka tirsan Al-shabaab, islamarkaana ay ka dhaceen saldhigyo ay ku lahaayeen Koonfurta dalka.
Waxa uu xaqiijiyey Afhayeenka in duqeyntaasi ay ku dileen 12 ka mid ah dagaalyahannada Al-shabaab.
Dhanka Al-shabaab weli kama aanay hadal khasaaraha kasoo gaaray duqeyntan.
Diyaaradaha dagaalka Maraykanka ayaa maalmahan dambe xoojiyey duqeynta ka dhanka ah Xarakada Al-shabaab.
Habeen kahor waxay duqeeyeen deegaanka Yoontoy oo saldhig ciidan ku lahaayeen Al-shabaab.
Goobjoog News