Wararka saaka ka imaanaya degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa waxay sheegayaan in xaaladda degmadaasi ay tahay mid deggan kadib markii shalay halkaasi ku dagaallameen Maleeshiyaad hubeysan iyo ciidan ilaalo ka hayey garoonka diyaaradaha ee degmadaasi.
Maleeshiyaadka hubeysan oo la sheegay inuu watay ganacsade Khaatka keena ayaa la sheegay inay weerareen bar Koontarool oo ciidamada Galmudug ku sugnaayeen, waxaana la sheegay in arrintani ay ka dambeysay is qabqabsi ka dhashay diyaarad Khaat sidda oo timid Cadaado.
Labo qof oo ka kala tirsan dhinacyadii ku dagaallamay halkaasi ayaa la xaqiijiyey in dagaalkaasi ay ku dhaawacmeen, inkastoo xaaladda ay markii dambe qaboojiyeen Odayaal dhaqameed ku baxay dagaalka.




From the comments