Aqoonyahannada maamulka Koonfur Galbeed oo kulan ku yeeshay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa waxay ku eedeeyeen maamulka Puntland dhibaateynta dadka shacabka ah ee kasoo jeedda Gobollada Koonfureed ee dalka.
Waxay sheegeen in ay aad u cambaareenayaan dhacdooyinka kusoo laablaabtay deegaannada Puntland, iyaga oo hoosta ka xariiqay in wax ka qabashada arrintaasina ay ka dhego fureesteen madaxda Puntland.
“Dastuurka KMG ee dalka u yaalla ma qabo in la kala faquuqo dadka Soomaaliyeed, dhibaato badan ayaa shacabka kasoo jeeda koonfurta loogu geystaa deegaannada maamulka Puntland, cid ka hadashayna malahan madax iyo waxgaradba, marka waa in arrinkaasi jawaab degdeg ah laga soo bixiyo” sidaasi waxaa yiri mid ka mid ah aqoonyahannadii kulmay.




From the comments