Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga uga qeyb galay shirweynihii dalalka Islaamka oo looga hadlayay kala qeyb sanaanta ka dhex jirta dunnida Islaamka, la dagaalanka kooxaha argagaxisada ah ee sida xun u adeegsanaya magaca Islaamka. waxana kulankan martigeliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga Mudane Rajab Tayyib Erdogan.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda oo khudbad dheer ka jeediyey shirka ayaa ugu horeyn uga mahad celiyey Jamhuuriyadda Turkiga ee marti gelisay shirkan dalalka Islaamka, wuxuuna ka waramay hormarrada ay ku talaabsatay Dawladda Soomaaliya oo taageerro ka heleysa shacabkeeda.
R.Wasaaraha ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay in caalamka islaamku isku tiirsanaado, isagoo sidoo kale ka hadlay dhibaatada Argagixisada iyo sida loogu baahan yahay in wadajir loo wajaho, waxaana uu Alle ka baryey in dhammaanba dalalka Islaamka dhibaatada heysata uu ka dulqaado.




From the comments