Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galaya shirka golaha ammaanka oo diiradda lagu saarayo xaaladda Soomaaliya ayaa ka codsadey golaha ammaanka in Cunno qabateynta hubka laga qaado Soomaaliya, isagoo sheegey in cunno qabateynta oo laga qaado Soomaaliya ay fure u tahay in la ciribtiro Al-shabaab.
Shirka oo weli soconaya ayaa waxaa ka mida wadama hadlay Spain, japan , iyo Newzland waxayna ka hadleen xaaladda Soomaaliya sida ammaanka, Doorashooyinka iyo deeqaha bini’aadannimo ee Soomaaliya iyagoo sheegay in ay garab istaag u samayn doonaan Soomaaliya, sidii mar kale ay cagaheeda iskugu taagi lahayd.
Madaxda hadashey ayaa bogaadiyey shirkii madasha wadatashiga qaran ee ka dhacay magaalda Muqdisho kaa oo lagu go’aamiyey qaabka ay doorashadu u dhici doonto sandkan 2016.




From the comments