Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa ka tacsiyeeyey geerida dad tahriibayaal Soomaali ah oo ku geeriyooday Badda Meditarrean-ka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa yiri “Aadbaan uga naxay runtii dhimashada ka dhalatay musiibadii ka dhacday Badda Meditarrean-ka, waxaana tacsi u dirayaa qoysaska iyo ehelada dadkii ku dhintay dhacdadaasi, waxaana alle uga baryayaa inuu u dambi dhaafo” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo sidoo kale u tacsi u diray dawladdaha dadkii kale ee afrikaanka ahaa ee ku geeriyooday dhacdadaasi.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada, ayaa kula dardaarmay dhalinyarada Soomaaliyeed in ay ka waantoobaan inay dalkooda ka cararaan, isla markaana si macno darri ah ay ugu dhamaadaan badaha caalamka, wuxuuna xusay in xukuumadda Soomaaliyeed ay muhiimada koowaad siin doonto waxbarashada iyo shaqo abuurka dhalinyarada si ay dalkooda ugu nagaadaan.




From the comments