Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia uga qeyb galay Shirka Amaanka Munich (MSC) oo wadajir u soo qaban-qaabiyeen dawladaha Jarmalka iyo Ethiopia, kana qeyb galeen ku dhawaad 60 hogaamiyayaal sare oo ka socda qaaradaha Africa, Europe, Maraykanka iyo Ururo Caalami ah, iyadoo daaradda la saarayay ammaanka iyo dagaalka lagula jiro kooxaha Argagixisada ah ee dhibaatada ka wada qeybo kamid ah Qaaradda Afrika oo Soomaaliya ay kamid tahay.
Wasiirka Gaashaandhigga oo khudbad ka jeediyey Shirka ayaa madasha ka sheegay in Soomaaliya ay ku jirto xaalad dagaal oo ay la tacaaleyso koox argagixiso ah una baahan tahay taageero iyo in gacan buuxda laga siiyo horumarinta Ciidanka Qalabka sida si ay awood ugu yeeshaan dhamaystirka haraadiga Argagixisada.
Khudbad uu shirka ka jeediyay Wasiir Diini waxaa kaloo uu ku xusay khatarta argagixisada ku hayso caalamka iyo sida loogu baahan yahay in meel looga soo wada jeesto dagaalka looga soo horjeedo.




From the comments