U bood dhigaalka

Wasaaradda Caafimaadka Oo Maamulka Gobolka Banaadir Ka Codsatay Furista Waddooyinka Xiran Ee Muqdisho

Sheeko:Dalka

Wasaaradda caafimaadka ee xukuumadda Soomaaliya ayaa ka codsatay maamulka Gobolka Banaadir in la furo waddooyinka xiran ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan waddooyinka gala qaar ka mid ah xarumaha caafimaadka magaalada.

Cismaan Maxamed Daallo oo ah wasiir ku xigeenka wasaaradda caafimaadka xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in ay tahay wax aad looga xumaado in weli maamulka gobolka Banaadir aanu ka dhabeyn in la furo waddooyinka xiran ee magaalada Muqdisho.

Waxa uu sheegay wasiir ku xigeenka in ka wasaarad ahaan ay ka warqabaan xarumo caafimaad oo jidadkii laga soo geli lahaa ay go’an yihiin kuwaasi oo bulshadu dhib xooggan ku qabaan xilliyaga ay gurmadka caafimaadka u baahanyihiin.

“Waa in la dhowraa xarumaha caafimaadka, hadii dalka ay dhibaato amni darro ka dhacdo waa in la siiyaa muhiimadda Koowaad xarumaha caafimaad, gobolka Banaadir waxaan faraynaa sidii markii horeba ahayd guddoomiyahana u sheegay in hooyo Soomaaliyeed laga xiran karin wadada, hooyada Foolaneysa waad ogtihiin xaaladda ay ku sugan tahay, waxay u baahan tahay gaari Ambulance iyo waddo furan oo saacad kasto ah, waxaan ka codsaneynaa guddoomiyaha gobolka Banaadir waddo kasta oo xiran oo xarun MSH ah ku taalla in la furo sida amniga loo adkeyn lahaana waa mid kale, marka intaas ayaan ka codsaneynaa guddoomiyaha gobolka” ayuu yiri wasiir ku xigeenka.

Dhinaca kale Cismaan Daallo ayaa maanta daah furay barnaamij looga guurayo dawooyin horay loogu isticmaali jiray Booliyada ee Seddaxda loona gudbay midka Labada ah, waxaana uu sheegay in talaalkaan guud ahaan laga helayo xarumaha caafimaadka gaar ahaan kuwooda ay gacanta ku hayso wasaaradda caafimaadka xukuumadda Soomaaliya.

“Maanta sharaf ayeey noo tahay, wasaaradda caafimaadka oo kaashaneysa hay’adaha UN-ka sida WHO inaan ka guurno talaalka Seddaxda ahaa una guurno kan Labada ah, waxayna inoo tahay sharaf taariikhi ah, adduunyada ayaan la mid nahay dhammaanteen, waxaa jiro marba cudurro ayaa laga guurayaa oo ka baxaya qadka meeshii loogu talagalay oo baaba’ay oo aan ka guuleysannay oo aan leenahay waan ka baxnay tallaakii Seddaxda ahaa, waxayna inoo tahay sharaf” ayuu yiri wasiir ku xigeenka.

Waxaa jira waddooyin muhiim ah kuna yaalla magaalada Muqdisho oo xiran, xitaa mararka qaar aanay suurta gal ahayn in xarun caafimaad degdeg lagu geeyo hooyo foolaneysa.

Goobjoog News