In ka badan 500 oo Tahriibayaal ah ayaa ku maashooday badda Mediterranean kadib markii uu quusay markab rarka laga badiyay, sidaa waxaa arbacadii sheegtay hay’adda qaxootiga ee UNHCR.
Hey’adda waxaa ay sidoo kale sheegtay in dadka dhacdadaas ka badbaaday ay gaarayaan illaa 37 rag ah, 3 haween ah iyo wiil 3 sano jir ah, dadkan ayaa laga badbaadiyay badda, lana geeyay Giriigga bishan 16-keeda.
Dadkan badbaaday ayaa ku jiray 100-200 oo saarnaa doon ka timid Libya, kadibna loo sheegay in ay ku biiraan doon kale tiiyoo keentay in doontii kale ay qalibmato.




From the comments