WAR DEG DEG AH:- Rag Hubeysan Oo Dilay Guddoomiyahii Xaafadda Howlwadaag Ee B/weyne
Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in goor dhaw rag ku hubeysan bistoolado ay dileen guddoomiyahii xaafadda Howlwadaag ee magaalada Baladweyne Cabdi Diiriye Darmaax.
Guddoomiyaha ayaa lagu dilay isla xaafadda Howlwadaag xilli uu meel waddo ah socday ilaalo la’aan.
Wariyaha Goobjoog News ee magaalada Baladweyne Cabdirisaaq Al-cadaalla ayaa soo sheegaya in ciidamada ammaanka ay gaareeen halka dilka uu ka dhacay, iyadoo ay baxsadeen raggii dilkaasi ka dambeeyay.
Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale
Goobjoog News