Magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabellaha Hoose waxaa ka furmay shir dib u heshiisiin ah kaasi oo la doonayo lagu soo afjaro dagaaladda xiriirka ah ee ka taagan Degaanada Gobolkaasi.
Waxaa shirkan la’isugu keenay dad kala matalaya beelaha isku haya gobolkaasi, waxaana shirkaan uu daba socdaa shirar horay uga dhacay gobolkaasi.
Kulan Golaha Wasiirada Maamulka Koonfur Galbeed ay ku yeesheen Magaalada Baydhabo goor hore oo shalay ah waxa ay ku sheegeen in muhiim ay tahay in la soo afmeero dagaallada sanadaha badan ka taagan Shabeelaha Hoose.




From the comments