Wararka ka imaanaya degmada Hodon ee magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegayaan in goor dhaw Bambooyin lagu weeraray hoyga halkaasi uu ka degggan yahay Xildhiban Ibraahim Aadan Dhaayow oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya.
Dhowr Bam gacmeed ayaa la xaqiijiyey in lagu weeraray hoyga xildhibaanka, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare dhaawac u badan.
Inta la xaqiijiyey Afar ka mid ah ilaalada xildhibaanka ayaa weerarkaan ku dhaawacantay, waxaana la xaqiijiyey inuu bad qabo xildhibaanka.




From the comments