Wasiirka Amniga Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayaa shiraa’id uu ku qabtay Magaalada Garoowe kaga hadlay qodobo la xiriira amaanka oo horay wasaarada Amniga Puntland u soo saartay balse aan la fulin.
Wasiirka ayaa hay’adaha Amniga ku Eedeeyay inay ka gaabiyeen qodobo wasaaraddu uga soo saartay Ammaanka, waxaana uu sheegay inay fulin waayeen hay’adaha qaar shaqooyinkii loo igmaday, waxaana uu ka codsaday laamaha nabadgalyada wada shaqayn wanaagsan inay la yimaadaan.
“Waxaa la fulin waayey sharciyadii aynu soo saarnay, tusaale waa in aqoonsi haystaa qof walbo oo ku sugan deegaannada Puntland si nabadda loo xaqiijiyo taasi ma aanay dhicin, sharciyada lasoo saara waa inay fulisaa ciddii quseysa, hadii kale qofkaasi xafiiska masii joogi doono” ayuu yiri Wasiirka.




From the comments