Wararka ka imaanaya magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland ayaa sheegaya in shil gaari soo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta uu ka dhacay duleedka magaaladaasi.
Labo ka mid ah gaadiidka Booyadaha ee biyaha ka dhaamiya xaafadaha Hargeysa ayaa la sheegay inay isku dhaceen, waxaana halkaasi ku dhintay Afar qof oo gaadiidka isku dhacay saarnaa.
Sidoo kale waxaa jira dhaawac soo gaaray dad kale oo saarnaa gaadiidkaan kuwaasi oo loola soo cararay Isbitaalka Hargeysa.




From the comments