In ka badan 250 oo qoys ayaa soo gaaray kaamamka barakacayaasha ee ku yaalla duleedka magaalada Muqdisho iyadoo welina ay soo qulqulayaan dadka ka soo cararaya dagaalada ciidamada dowladda iyo Al-shabaab ku dhex maraya deegaanno ka tirsan gobolka shabeelaha hoose
Hooyo Shariifo Siidoow oo ka mid ah dadkii ka soo barakacay deegaanka Janaale ee gobolka Shabeellaha Hoose oo haatan ku sugan xeryo barakac oo ku yaalla duleedka magaaladda Muqdisho ayaa sheegtay in ay heysato xaalad nolol xumo oo aad u daran, waxay jidka kusoo jireen dhowr maalin iyagoo marki hore haysan gaari ay ku soo baxaan inkastoo markii dambe ay heleen
Shariifo ayaa sheegtay in dhibaatooyin kala duwan ay soo gaareen dadka soo barakacay intii ay jidka kusoo jireen, taas oo ay sheegtay in ay qeyb ka tahay in la kufsaday haweenka qaar oo gaari ay isla saarnaayeen .





From the comments