Waxaa Maanta Muqdisho mar kale dib loogu doortay Maxamed Cusmaan in uu noqdo guddoomiyaha isutagga shaqaalaha Soomaaliyeed.
Guddoomiyaha Isku tagga Ururadda Shaqaalaha Soomaaliyeed ayaa sheegay doorashada kadib inuu waxbadan ka qaban doono xuquuqda maqan ee Shaqaalaha Soomaaliyeed.
Maxamed Cusmaan Xaaji ayaa intaa raaciyay in ay jiraan dhibaatoyin badan oo ay qabaan shaqaalaha rayidka ah iyo kuwa dowladda waxa uuna sheegay inuu wax ka qaban doono arimahasi .




From the comments