Wasaaradda maaliyadda ee xukuuumadda Soomaliya ayaa sheegtay in sharciga maareynta maliyadda uu waxbadan u tarayo guud ahaan dowladda Federaalka ee Soomaaliya.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maalliyadda Mudane Maxamuud Xayir Ibraahin ayaa Xildhibaannada baarlamaanka u sheegay in sharcigan muhiimad weyn ka geysanayo in Soomaaliya laga cafiyo deymaha lagu leeyahay.
“Sharciga mudanayaasha baarlamaanka ka doodaya waxa uu wax tar u leeyahay dowladda, maxaa yeelay Soomaaliya waxaa uu horseedayaa in laga cafiyo deymaha lagu leeyahay” ayuu yiri wasiir xigeenka maaliyadda.




From the comments