Guddoonka baarlamaanka Galmudug ayaa sheegay in waqti dheeraad ah lagu daray xilligii uu xirmi lahaa Kalfadhiga Labaad ee baarlamaanka maamulkaasi.
Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee baarlamaanka Galmudug Maxamed Axmed Maalin oo maanta saxaafadda kula hadlay magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa sheegay in shaqooyin badan oo yaalla awgeed aysan macquul noqoneyn inuu xirmo Kalfadhigga Labaad ee baarlamaanka ayna jiraan shaqooyin badan oo u baahan in xilligaan la dhameystiro.
“Maanta oo ay tahay 30-ka bisha Afaraad 2016, waxay ku aadan tahay gabagabadii Kalfadhigii Labaad ee xildhibaannada Galmudug oo ay shaqeynayeen 4 bilood, waxayna xaq u lahaayeen inay qaataan fasaxoodii, waxaan sheegaynaa in fasaxaasi dib loo dhigay si loo dhameystiro howlaha qabyada ah ee horyaalla xildhibaannada sida uu qabo xeerhoosaadkeena 22-aad faqradiisa 3-aad iyo qodobka 39-aad faqradiisa 8-aad ee Dastuurka Galmudug, sidaa darteed waxaan u sheegaynaa xildhibaannada in shaqadeenna ay sii socon doonto inta aynu ka dhameystirayno ajendayaasha muhiimka ah ee na horyaalla” ayuu yiri Guddoomiye Maalin.




From the comments