Maxamed Cabdullaahi Xaashi oo kamid ahaa macallimiinta ka howlgal mid ka mid ah Iskuullada ku yaalla magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa habeenkii xalay ahaa lagu dilay magaaladaasi.
Wararku waxay sheegayaan in macallinkaan ay dileen rag ku labisnaa dareeska ciidanka dowladda Federaalka, waxaana uu saarnaa Mooto Bajaaj mareysay inta u dhaxeysa Saldhigga Booliiska Baladweyne iyo Isgoyska Xaafadda Buundada October.
Meydka Maxamed Cabdullaahi ayaa Isla xalay la dhigay isbitaalka magaalada Baladweyne, waxaana markii la dilayay uu ka yimid garoon kubadda cagta lagu ciyaaro oo ku yaalla laanta Buulo-xaableey ee xaafadda Xaawo-taako magaalada Baladweyne.



From the comments