Ciidamo ka wada tirsan Ahlu-sunna Waljameeca ayaa lagu soo waramayaa in dagaal uu ku dhexmaray deegaanka Mareer-gur ee gobolka Galgaduud kadib markii ay isku qabsadeen Mushaar loo qeybinayey.
Askar ka tirsan Ahlu-sunna ayaa la sheegay in askar kale oo isla iyaga ah kula murmeen lacag mushaar ahaan loo siinayey, taana ay keentay in rasaas la’isku adeegsado.
Wariyaha Goobjoog News ee gobolka Galgaduud Cabdiweli Maxamed Tooxow ayaa soo sheegaya in uu jiro khasaare dhaawac u badan oo askartaan soo gaaray laakiinse weli tiro rasmi ah lama hayo.




From the comments