Khasaare Ka Dhashay Qarax Lagu Weeraray Masjid Ku Yaalla Degmada Waaberi Ee Muqdisho

Labo qof ayaa ku dhawacantay qarax lagu weeraray habeenkii xalay ahaa Masjid ku yaalla Degmada Waaberi ee Magaalada Muqdisho.
Masjidkaan oo ku yaalla Xaafadda Via Libera ayaa waxa lagu tuuray bam gacmeed sida ay ku warameen dad halkaasi ka dhawaa.
Labada qof ee dhawaca soo gaaray ayaa ka mid ahaa dhallinyarada Xaafaddaasi deggan kuwaas oo ku sugnaa meel ku dhow Masjidka weerarkan lagu qaaday.
Ciidamada Dowlada Federaalka iyo kuwa AMISOM ayaa gaaray halka qaraxan uu ka dhacay kuwaas oo xiray dhamaan waddooyinka masjidka gala.
Maamulka Degmada Waaberi oo aan la xiriirnay ma uusan ka jawaab celin telefoonka Goobjoog si aan wax ugu waydiinno baaritaanka ay Ciidamada halkaasi ka sameeyeen.
31-kii Maarso 2016 qaraxyo Bam gacmeed ah oo lagu weeraray masjid ku yaalla magaalada Baladweyne waxaa ku geeriyootay 2 ruux in ka badan 10 kalena dhaawac ayaa soo gaaray.
Goobjoog News