Wararka naga soo gaaraya degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxay sheegayaan in goor dhaw qarax Bam uu ka dhacay suuqa Ariga ee degmadaasi, kaasi oo khasaare sababay.
Bamkaan ayaa la sheegay in lagu weeraray askar ka tirsan kuwa qaada Canshuurta oo ku sugnaa suuqaasi.
Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxaasi dhaawac uu kasoo gaaray Lix qof oo shacab u badan sida uu soo sheegayo wariyaheena ku sugan degmada Afgooye Maxamed Cabdi Xasan.




From the comments