Maalmihii ugu dambeeyay waxaa jiray warar sheegayey in golaha deegaanka ee degmada Laascaanood iyo guddoomiyaha magaaladaasi uu u dhaxeeyo khilaaf hase ahaatee waxaa markii ugu horreysay arrinkaasi ka hadlay qaar ka mid ah xubnaha golaha deegaanka magaaladaasi, kuwaasi oo sheegay in Guddoomiyaha ay ka gudbiyeen mooshin looga soo horjeedo.
Xildhibaannadan ayaa saxaafadda kula hadlay magaalada Laascaanood, waxayna tiradoodu ku sheegeen 11 xubnoo, iyaga oo wasiirka arrimaha gudaha Somaliland ka dalbaday in degdeg uu arrinkaasi kusoo farageliyo.
“Waxa uu diiday wax walbo oo shaqo ah oo la qaban lahaa, waxa uu diiday in nadaafaddii laga shaqeeyo, lacag buu meelaha ka uruursadaa, waraqado badan baan u qornay laakiinse kama aanu soo jawaabin waxa uu u baxsaday Hargeysa, mooshinka aan ka gudbinay waa mid xil ka qaadis ah, waxaana ku saxiixan 11 xubnood, waxaa kaloo jirta warqad kale oo u gudbinay guddomiyaha gobolka Sool iyo sidoo kale wasiirka arrimaha dibadda Somaliland” sidaasi waxaa yiri mid ka mid ah xildhibaannada golaha deegaanka ee magaalada Laascaanood.




From the comments