Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka doodaya xil ka qaadista guddoomiyihii maxkamadda Sare ee Abuukaate Caydiid Cabdullaahi Ilka xanaf.
Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka ayaa Goobjoog News waxa ay u xaqiijiyeen in kulanka uu dhacayo maanta oo khamiis ah loogana hadli doono xil ka qaadista guddoomiyihii maxkamadda sare ee Caydiid Ilka xanaf.
Madaxweynaha Federalaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xil ka qaadis ku sameeyay guddoomiyaha Maxakamadda Sare Ceydiid C/llaahi Ilkaxanaf, waxaana sababata xilka qaadista loo cuskaday da’diisa oo aan u saamaxayn inuu sii wato howlihiisa shaqo ee loo igmaday, iyo arrimo kale.




From the comments