Ra’isul Wasaaraha Jamhuuriyadda Turkiga Ahmet Davutoğlu ayaa Maanta Saxaafadda u sheegay in uu isaga tagayo Xilkiisa guddoomiyaha ururka Cadaaladda iyo Horumarinta oo aanu dib isku soo sharixi doonin.
Ra’isul Wasaaraha Turkiga waxaa uu carabka ku adkeeyay in uu ka tagayo wax walbo oo jago ah laakin aanu marba ka bixi doonin ururka Cadaaladda iyo Horumarinta.
Dhinaca kale, Ra’isul Wasaare Ahmet Davutoğlu waxaa uu meesha ka saaray in uu jiro khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo madaxweynaha dalkaasi Recep Tayyip Erdoğan, Sharaftiisa waa Sharafteyda ayuu intaa raaciyay, isagoo hadalkiisa ku soo gabagabeeyay in in ay kala dhaxesyo Saxiibtinnimo iyo kalsooni 25 sano ah.




From the comments