Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa waxay sheegayaan in halkaasi uu ku dhaawacmay wasiirka amniga Puntlad Cabdi Cali Xirsi Qarjab kadib markii uu damcay inuu kala dhexgalo ciidamo ka wada tirsan maamulka Puntland oo dagaallamayey.
Wararku waxay sheegayaan in ciidamo kala taabacsan taliyeyaasha Booliiska Puntland Jeneraal Cabdrisaaq Maxamuud Yuusuf Af-gaduud iyo kan Birmadka ee Puntland Korneel Cismaan Xasan Cuuke Afdalow ay isku qabteen shir amniga looga hadlayey oo ka dhacay magaalada Boosaaso gaar ahaan xarunta ciidanka Birmadka, gacan ka hadal kadibna Labadii ciidan ee ay kala wateen ay dagaallameen.
Wasiirka ayaa dhaawac waxa uu kasoo gaaray qeybaha dambe ee jirkiisa isaga oo loola cararay isbitaal ku yaalla magaalada Boosaaso.




From the comments