Guddiga gurmadka Qaxootiga Yemen ee ku sugan deegaannada Puntland ayaa ku baaqay in la caawiyo dadkaasi oo dalkooda dagaallo ay ka socdaan.
Sheekh Axmed Yuusuf Daad oo ah guddoomiyaha Guddiga gurmadka abaaraha Puntland oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ka guddi ahaan ay wadaan dadaallo ay ku cawaaniyaan qaaxotiga Yemen ee ku sugan deegaannadooda.
Waxa uu sheegay in ay jiraan qaar ka mid ah dadka u dhashay dalka Yemen oo dib u laabtay, islamarkaana guddiga uu amba bixiyey, hase ahaatee ay jiraan qoysas kale oo ku sugan deegaannada Puntland.




From the comments