Waxaa Muqdisho lagu qabtay Munaasabad lagu soo bandhigay ardey 11 ah oo aragga la’a isla markaana u fariisan doona todobaadkan imtixaankii ugu dambeeyay ee dugsiga dhexe.
Waxaa munaasabada ka qeyb galay Maamulka degmada Hodan, maamulka School-ka, Xubno daladaha dalka ka jira ka socday qaarkood, masuuliyiin jaamacadeed iyo Waalidiinta ay caruurtooda imtixaanka u fariisanaayo.
Cabdifitaax Maxamed Daahir oo ah Maamulka dugsiga Imtixaanka qaadaya ee Al-Nuur ayaa sheegay in ay ku haminayeen in ay arkaan dadka aragga la’a oo waxbartay




From the comments