Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa lagu wadaa in maanta loo caleemo saaro xilkaasi kadib markii uu ku guuleystay doorashadii April ee dalkaasi ka dhacday.
Madax fara badan oo ka socota dalalka Afrika ayaa ka qeybgalaya munaasabadda lagu caleema saarayo madaxweyne Geelle.
Waxaa la filayaa in munaasabaddaasi ka qeybgalo madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyadoo sidoo kale halkaasi ay ku sugan yihiin madaxda maamullada Puntland iyo Somaliland.




From the comments