Qaar ka mid ah waxgaradka ku dhaqan gobolka Mudug ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan heshiiskii magaalada Jigjiga ay ku gaareen maamulka Galmudug iyo sidoo kale Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.
Nabadoon Maxamuud Carab Caalin oo ka mid ah waxgaradka ayaa u sheegay Goobjoog News inay aad usoo dhaweynayaan heshiiskan islamarkaana ay rajo ka qabaan in la fuliyo heshiiskii la wada gaaray.
“Madaxweynaha waxa uu inoo sheegay in Daacdheer Labada dhinac isugu imaan doonaan oo laga wada hadli doono wax walbo oo dhacay, annaga aad ayaan usoo dhaweyneynaa heshiiskaasi la wada gaaray” ayuu yiri Nabadoonka.




From the comments