Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Dagaal u dhaxeeyay ciidamada gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed iyo Xarakada Al-shabaab oo shalay ka dhacay duleedka deegaanka Qansaxdheere ee gobolka Baay.
Dagaalkan ayaa billowday kadib markii ciidamada Koonfur Galbeed weerar ku qaadeen xarun ay ku sugnaayeen ciidamada Al-shabaab oo ku taallay deegaanka Buulo Xaawo oo ku dhow degmada Qansaxdheere.
Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkaasi ku dhintay Afar qof oo dhinacyadii dagaallamay ah iyadoo dhaawacana uu intaasi ka badan yahay.




From the comments