Guddoomiyaha Cusub Ee Maxkamadda Sare Oo Maanta Xilka La Wareegay

Magaalada Muqdisho waxaa maanta lagu qabtay munaasabad ay xilalka ku kala wareegayeen Guddoomiyahii hore ee Maxkamadda sare Abukaate Caydiid Cabdullaahi Ilka Xanaf iyo Gudoomiyaha cusub ee maxkamaddaasi Ibraahim Iidle Saleebaan.
Munaasabadan waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin ka tirsan Labada gole ee dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xubno kale.
Guddoomiyahii hore ee Maxkamadda sare Abukaate Caydiid Ilka Xanaf oo halkaasi hadal ka jeediyey ayaa ka hadlay shaqada maxkamadda sare iyo mudadii uu shaqeynayey wixii uu qabtay iyo sidoo kale shaqada hadda laga sugayo guddoomiyaha cusub.
Waxa uu sheegay in garsoorka uu jirayo inta qaran Soomaaliyeed uu jiro, islamarkaana kaliya waxa isbedalaya ay yihiin hoggaanka.
Ilka xanaf ayaa halkaasi ka sheegay in isagu uu iska casilay xilkii guddoomiyaha Maxkamadda sare, isaga oo kula dardaarmay guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda sare in uu ilaaliyo madax bannaanida garsoorka.
“Waxaan u sheegayaa guddoomiyaha cusub in uu xajiro madax bannaanida Garsoorka, si kastaba aniga waan iska casilay xilkaan waan sheegay inaan shaqadii ka fariistay haatanna waan wareejinayaa, garsoorka ceebaha uu leeyahay ee laga sheegay iyo dhibaatada ugu weyn waa dhaqaale xumo” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Ilka Xanaf.
Guddoomiyaha cusub ee maxkamadda sare Ibraahim Iidle Saleebaan oo isna halkaasi hadal ka jeediyay ayaa u mahad celiyay Guddoomiye Ilka Xanaf oo uu sheegay in heer sare uu soo gaarsiiyey garsoorka.
Garsoorka ayuu sheegay inuu u dhaxeeyo bulshada dalka ku sugan, sheegayna in cid walbo oo wax tabaneysa xaq u leedahay in Garsoorka tagto, isaga oo sheegay inuu ku dadaali doono inuu la yimaado isbedallo badan.
Goobjoog News