Gudoomiyaha maamulka degmada Hobyo ee gobolka Mudug Cabdullaahi Axmed Cali ayaa sheegay in furitaanka dekadda macmalka ee magaaladaasi ay keentay horumaro kala duwan iyo shaqo abuur ay dhallinyaro badan ka heleen.
Gudoomiyaha ayaa tilmaamay in degmada Hobyo laga dareemayo isbedallo bulsho iyo mid ganacsi taasi oo sabab u ah doonyo kusoo xirta degmadaasi oo dhawaan maamulka Galmudug ku dhawaaqay in si KMG ah u shaqeynayo inta laga dayactirayo.
“Waxaad ka dareemaysaa hobyo dhaqdhaqaaq aan caadi ahayn, mid doonta dejinaya, mid kale oo xamaalaya, qof kale oo ganacsi meesha ku leh, hadii loo soo jeesto in wax la qabsado isbedallo baa imaanaya, kii Dukaanka lahaa waxa uu helay dad wax ka gata, maqaayadihii baa suuq yeeshay, bakhaaradii ayaa dib u dhis lagu billaabay, gaadiidleydi iyo shidaalkii ayaa socda” ayuu yiri gudoomiyaha.




From the comments