Wasiirka Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumada Soomaaliya Maxamed Jaamac Mursal ayaa sheegay in isbedel dhanka shaqada ah uu ku samayn doono Wasaaraddaas kadib markii Maanta uu la wareegay xilka Wasaarada Boostada.
Hadalkan ayuu aa Wasiirka cusub ka sheegay mar uu si rasmi ah xilkaas ugula wareegayay Wasiirkii hore ee Wasaaradaas oo shaqada laga fariisiyay.
Munaasabada waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, wasiirka warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska, , Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo mas’uuliyiin kale.




From the comments