Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, waxaana kulanka shir guddoominayay Ra’iisal Wasaare kuxigeenka Xukuumada Mudane Maxamed Cumar Carte.
Shirkan ayaa looga hadlay qodobo ay ka mid yihiin howlgalada Ciidanka Xoogga dalka ay ka fulinayaan degaano ka tirsan gobolada Sh/dhexe iyo Galgaduud, dhibaatooyinka Roobabka iyo abaaraha weli taagan, go’aanka dowladda Kenya ay ku sheegtay inay xireyso xeryaha Qaxootiyada iyo qodobo kale.
Ugu horeyn, Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa golaha faah faahin ka siisay howlgaladii ugu dambeeyey ee ciidanka Xoogga dalka ay ka fuliyeen degaano ka tirsan gobolada Sh/dhexe iyo Galgaduud, waxaana ay sheegtay in howlgaladu ay isugu jiraan kuwo gaar ah oo ay fulinayaan ciidanka gaarka u tababaran ee Danab iyo howlgalo xoreyn degaano cusub, waxaana si gaar ah ay Wasaaradu u xustay in ciidanka Danab ay beegsadeen goobo la ogaaday inay saldhigyo u yihiin kooxaha Nabadiidka ah ee Al shabaab, lana burburiyay.





From the comments