Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad ayaa maanta gaaray magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, iyadoo lagu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi.
Cawad ayaa saxaafadda kula hadlay magaalada Boosaaso waxaana uu ka warbixiyey ulajeedka safarkiisa, isaga oo sheegay in uu u tagay halkaasi kulamo inuu la yeesho shirar ka dhici doona magaalada Garoowe, gaar ahaan shirweynaha looga hadli doono arrimaha Dastuurka.
“Waxaan u imid magaalada Boosaaso in dowladda Puntland kala yeesho qorsheynta kulamo waaweyn oo ka dhici doona Garoowe, warbixinno inaan kala qaadanno si madaxda dowladda aan iyaguna warbixin ugu geeyo gaar ahaan shirweyne looga hadli doono arrimaha Dastuurka ee Garoowe lagu qaban doono” ayuu yiri Mudane Cawad.




From the comments