Dagaal u dhaxeeya ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa AMISOM iyo Al-shabaab oo dhinac ah ayaa saaka ka billowday deegaanno ka mid ah gobolka Shabellaha Hoose.
Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa ka ruqaansaday degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose, waxaana ay ku baxeen deegaanno ku dhaw degmadaasi.
Ciidamada Al-shabaab ayaa ciidanka dowladda kula dagaallamay deegaanka Mareerey ee Shabellaha Hoose, hase ahaatee dagaalka ayaa la sheegay in uu halkaasi kasii gudbay, waxaana hadda lagu dagaallamayaa deegaanka Sabiib iyo Caanoole oo qiyaastii 10 KM u jira degmada Afgooye.




From the comments