Sarkaal sare oo ka tirsan wasaaradda difaaca ee dalka Maraykanka ayaa qiray in ciidamo Maraykan ah oo wata diyarado dagaal ka qeyb qaateen dagaallo culus oo shalay ka dhacay duleedka degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose.
Sarkalkaan oo an magaciisa la baahin lana hadlay VOA ayaa sheegay in ay difaceen ciidanka Uganda ee AMISOM iyo kuwa dowladda Federaalka oo weerar kala kulmay Al-shabaab xilli ay ku howlanaayeen Isbaaro qaadis.
Waxa uu sheegay Sarkaalkan in duqeymo ay ka geysteen deegaanno ay ku jiraan Sabiib iyo Caanoole, dhowr gantaal oo halkaasi ku dhifteen ay ku dileen dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al-shabaab waa sida uu hadalka u dhigaye.




From the comments