Mid ka mid ah aqoonyanada Soomaaliyeed ayaa sheegay in doorashada la filayo in dalka ay ka dhacaan sanadkan 2016-ka ay la mid tahay tii dalka lagu qabtay sanadkii 2012-ka sabab la xiriirta iyada oo aan muuqan wax isbedel ah oo Dowladu ay qaatay.
Aqoonyanahan Maxamed Maxamuud Nuur oo ku sugan dalka dibaddiisa ayaa isaga oo la hadlay Goobjoog News sheegay in hadda ay muuqanayso is qab qabsi ka dhalanaya qaabka dhismaha Aqalka sare ee dalka waqtiga oo cariiri ahna keliya laga gaarsiin karo aqalka hoose.
Waxa uu sheegay Aqoonyahan Maxamed Maxamuud in dalka hadda ay ka jirto culeys dhanka ammaanka iyo dhaqaalaha taas oo uu yiri waxa ay keeni kartaa culays dhanka doorashooyinka sanadka 2016.




From the comments