Roob daad wata ayaa ka da’ay deegaanno ka mid ah gobolka Sool kuwaasi oo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo burbur hantiyeed.
Roobabkan waxay xooggooda ka da’een degmada Taleex ee gobolka Sool, waxaana la xaqiijiyey in Labo qof ay geeriyootay.
Mid ka mi dadka ku dhaqan degmada Taleex oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in dadka geeriyooday uu kusoo dumay gurigooda, taasina ay sababtay inay dhintaan.




From the comments