Wasiirka Dekadaha iyo gaadiidka Badda dowlad goboleedka Galmudug Burhaan Warsame Cigaal ayaa ka hadlay qorshe ay ku doonayaan dhismaha dekadda Hobyo ee gobolka Mudug.
Waxa uu sheegay wasiirka in dhismaha dekaddaasi ay muhiim u tahay dhaqaalaha Galmudug, ayna heshiis la galeen shirkado caalami ah oo fulinaya dhismaha dekadda, isaga oo hoosta ka xariiqay in dhawaan la billaabi doono arrimahaasi.
“Wasaardeedu waxay ka mid tahay wasaaradaha muhiimka ah ee kaabayaasha dhaqaalaha ee daqliga soo saara, wasaaradda waa mid shaqadeedu sidaasi u culustahay, wixii ka horeeyay maamulkaan Galmudug cusub wax shaqeynayey oo dekad ah ma jiraan ama la sameeyay, wasaaradaan markii la sameeyay waxaan isku daynay inaan sameyno qorshe lagu furayo dekadaha macmalka ahaa ee Galmudug lahayd, iyo sidii loo raadin lahaa qorshaha maalgalinta oo mid dhaw iyo mid dheer ah, Labadoodana meel wanaagsan ayeey hadda marayaan” ayuu yiri wasiirka.




From the comments