Shirkado Gaar Ah Oo Magaalada Muqdisho Ka Billaabay Maareynta Qashinka

Muqdisho waxaa ka jira shirkado dhowr ah kuwaasi oo ka shaqeeya Nadaafadda iyo soo celinta bilicda goobaha kala duwan sida xarumaha waxbarashada, Isbitaallada, suuqyada, hoteellada iyo guryaha.
Waxaa shirkadahan ay yihiin kuwo ay furteen ganacsato islamarkaana ogolaanshiyo ka haysta dowladda Hoose ee xamar .
Gareen Life waa shirkad si gaar ah loo leeyahay oo ka shaqeysa howlaha Nadaafadda taasi oo ka hawlgasha illaa 4 degmo oo ka tirsan gobolkani Banaadir.
Nuur Aadan Ibraahim waa maamulaha guud ee shirkadaas Waxa uu Goobjoog News u sheegay ay si bilaash ay uga shaqeeyaan Nadaafadda waddooyinka taasi oo ku timid is afgaradka dhexmaray Maamulka Gobolka iyo shirkadaha ku hawlan nadaafadda .
“Shaqadan Nadaafadda waxaan bilawnay dhowr sano ka hor waxaynu bedelnay qashinkii godadka dadka ay ku duugi jireen oo magalada aan u wanaagsaneyn waxan ka shaqeynaa xarumaha waxbarashada isbitalada suqyada hotelada iyo guryaha”
Shirkadaha ka shaqeeya hawlaha Nadaafadda ayaa qashinka ay qaadaan waxay ku daadiyaan meelo u dhaw badda sida Jasiira iyo duleedka degmada Karaan sida uu u sheegay Goobjoog Nuur Aadan Ibraahim .
“ Gaadiidka shirkadeena iyo kuwa nala mid ka ah ee nadaafadda ku hawlan waxaa jira meelo naloo sameeyay oo qashinka aan geyno lagu gubo maamulka gobolka banaadir ayaana nagu kormeera”
Xuseen Abtidoon oo ah agaasin ku xigeenka waaxda nadaafadda gobolka Banaadir aan weydiinay sida qashinka goobahaasi lagu shubo ay u maareeyaan iyo sida looga taxadaro caafimaadka qashinka maadaama meel aan ka fogeyn Magalada lagu shubo.
“Qashinka marka lagu soo shubo Jaasira iyo meel kale oo ku yaalla degmada Karaan waan gubnaa si aan uga taxadarno cafimaad darrida ka imaan karta”
Agaasime ku xigeenka waaxda nadaafadda maamulka gobolka Banaadir waxa uu sidoo kale uu sheegay in shirkadaha ka shaqeeya nadaafadda ay ka saacidaan sidii bilicda magalada ay u soo noqon lahayd hormarna ay u sameyn lahayd.
“Shirkadaha ka shaqeynaya nadaafadda waa kuwa uu ogyahay maamulka gobolka waxayna naga saacidaan qaadida qashinka waddooyinka la soo dhigo wadashaqeyn wanaagsan ayaan leenahay “ ayuu yiri Xuseen Abtidoon
Dhanka kale waxaa jira haween iyo carruur taga meelaha la geeyo qashinka si ay u helaan waxyaabo ka mid ah qashinka sida caagadaha iyo baakadaha kuwaasi oo ay dib u sii iibsadaan.
Dhaqtar Yaxye Abduqadir Shoole ayaa sheegay qashinka magaalada oo aanan si wanaagsan loo maareyn inay dhalin karaan dhibaatoyin caafimaad waxa uu sheegay in loo baahan yahay in la kala saaro qashinka sida midka cisbitaalada iyo qashinka guryaha ama meelaha kale ee bulshada laga qaado.
Sidoo kale waxaa uu tilmaamay Dr Yaxye Cabduqadir Shoole in mas’uuliyad ay arrintan ka saaran tahay dowladda hoose iyo waaxda caafimaadka inay ka hor-tagaan dhibaatada caafimaad ee ay dhallin karto qashinka.
”Waa muhiim in laga hortago waxyabaha caafimaadka bini ‘aadamka qatarta ku ah qashinka waa halis haddii aanan si wanaagsan loo maareyn isaga ayaana u baahan in la kala saaro sida qashinka isbitaallada oo halis badan leh loona bahanyahay si ka duwan qashinka kale in loo maareeyo “
Xilliyada qaar goobaha qashinka la geeyo waxa lagu soo daadiyaa raashin dhacay oo ay keenaan ciidamada AMISOM dadkana ay qaataan arrintaan ayaa waxaa walaac ka muujisay waaxda nadaafadda gobolka Banaadir taasi oo sababi karta caafimaad darro.
W/D: Cabdiwahaab Maxamed Ibraahim
Tifaftiray: Bashiir Maxamuud Wehliye
Goobjoog News