Taliska ciidanka Booliiska Gobolka Banaadir ayaa habeenkii xalay ahaa waxa uu magaalada Muqdisho kusoo bandhigay gaari nooca raaxada ah, 7 Computer Laptop ah, Taleefanno gacanta ah iyo sidoo kale Liis ay ku qoran yihiin magacyo la sheegay inay ka tirsan yihiin Al-shabaab.
Sida lagu daabacay wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA agabkaan la qabtay ayaa la sheegay in la doonayey in lagu fuliyo weeraro qaraxyo ah oo ka dhaca magaalada Muqdisho, waxaana sidoo kale la xiray nin la sheegay inuu walxahan waday.
Liiska ay ku qoran yihiin magacyada ayaa waxaa ku calaameysan astaamaha Al-shabaab, waxaana ku qoran magacyo rag la sheegay inay ka mid yihiin ciidanka Al-shabaab.





From the comments