Guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir oo dib ugu soo laabtay degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud kadib safaro uu ku yimid magaalada Muqdisho iyo kuwo uu ku aaday dalka Uganda ayaa sheegay in daruuf adag ay ku shaqeeyaan xildhibaannada Galmudug.
Guddoomiye Gacal oo la hadlay warbaahinta ayaa mar uu ka jawaabayey kulamada xildhibaannada Galmudug oo aan inta badan dhicin ayuu tilmaamay in sababta ugu weyn ay tahay daruufaha ay hadda ku shaqeeyaan xildhibaannada.
“Sida aad garan kartaan xildhibaannada Daruufo badan ayeey muddo ku shaqeynayeen, weli iyagii ayaa horyaalla oo aan laga bixin taas ayaa sabab u ah in inta badan la shaqeyn laakiinse hadda xildhibaanno badan wey joogaan shaqooyinka horyaallana waan qabaneynaa” ayuu yiri gudoomiyaha baarlamaanka Galmudug.




From the comments