Maamulka Jubbaland ayaa markii ugu horreysa waxa uu magaalada Kismaayo gaar ahaan xaafadda Via Afmadow uu ka hirgeliyey Taallo loogu magac daray Nabadda taasi oo dib usoo celisay bilicdii xaafaddaasi lahayd.
Taaladan ayaa sidoo kale kala qeybinaysa waddo muhiim ah oo halkaasi marta, waxaana ay xakameysay gaadiid si xowli ah halkaasi isaga soconayey iyo sidoo kale in ay kala qeybiso Labada dhinac ee laamiga oo horay gaadiidka aanay kala lahayn Seyt ay kala maraan.
Shacabka ku dhaqan magaalada Kismaayo gaar ahaan xaafadda Via Afmadow oo la hadlay Goobjoog News ayaa soo dhaweeyay dhismaha taaladaasi.




From the comments