Diyaarad Xamuul Turkish Airline islamarkaana sidda ciidamo amni ayaa maanta kasoo degtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Ciidamadan waxaa la socda Eeyo u tababaran xagga amniga iyo qalab kale oo loogu tala galay in lagu sugo amniga qeybta ay garoonka ku lahaan doonto Diyaaradda Turkish Airline.
Warar ay Goobjoog News heshay ayaa sheegaya in Hey’adda Turkish Airline ay dib u billaabeyso duulimaadkeeda Muqdisho 20-ka bishan.




From the comments